Home Wararka Maanta Norway oo badaleysa sharciga lagu wado gawaarida marka uu qofka kasoo tago...

Norway oo badaleysa sharciga lagu wado gawaarida marka uu qofka kasoo tago kaarkiisa(førerkort).

0

Dowlada norway ayaa bilaabeysa sharcig ama qalab casir ah oo qofka u sahlaya in uu gaarigiisa wato marka uu guriga ku soo hilmaamo kaarka wadista gaariga (førerkort) isagoona ka baqeenin in uu dowlada kala kulmo wax ganaax ah.

Qorshaha cusub waxaa ku dhawaaqay laanta gadiidka Norway oo sheegtay in ay soo kordhinayaan qalab cusub oo qofka u sahlaya wadista gaariga marka uu soo hilmaamo kaarka isagoo booliska tusaya qalab digital ah oo dhawaan soo bandhigidoonto laanta gadiidka dalka norway.

Wasiirka Gadiidka iyo wadooyinka Dalka norway Jon Georg Dale oo ka hadlay arintaan ayaa sheegay in qorshaha uusan aheyn in laga tago kaarka caadiga lakin markasta qofka looga baahanyahay qaadashada kaarkaasi halka qorshaha cusub looga danleeyahay sidii darawalada gadiidka loogu fududeen lahaa shaqadooda.

sida caadiga dalka norway hadii maanta aad wado gaariga adiga oo kaarka leysinka aanan wadin waxaa ku muteysan kartaa lacag dhan 500 kr halka dalka sweden ay intaasi ka badan tahay.

Somaliska Oslo

Xigasho/TV2.no

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here