Home News in English Maxaad kala socotaa kabixitaanka Dowlada UK ee midowga yurub EU iyo dhibaatada...

Maxaad kala socotaa kabixitaanka Dowlada UK ee midowga yurub EU iyo dhibaatada ka hortaagan Brexit.

0

Dowlada ingariiska ama boqortooyada UK ayaa ku howlan sidii ay kaga bixi laheyd dowladaha isku tagay ee midowga yurub kuwaasi oo leh calan gooni ah iyo sharci gooni u ah isla markana ka kooban 28 dal lakin ka bixitaanka UK ee EU waxaa heesto dhoor dhibaato warbaahinta somaliska.com ayaana idin soo diyaarisay.

Ugu horeyn waa maxay erayga Brexit.

erayga Brexit waa eray oo isticmaalo kabixitaanka UK ee midowga Yurub waxana laga soo gaabiyay Britain iyo Exit oo ah magaca wadanka iyo erayga exit oo ah bixitaan waxana magacaan horay u isticmaalay dowlada Gariiga iyadoo ka dhigtay Grexit.

Dhibaatada hortaagan kabixitaanka UK ee Midowga yurub.

dhoor dhibaato ayaa xiligan taagan waxana ugu muhiimsan heshiis laga gaaro xaduuda dalalka yurub ee dhanka bada iyo bariga ee ku aadan dhanka ganacsiga dowlada UK ayaa dhameysay guud ahaan qorshaha ay kaga bixi laheyd yurub lakin barlamaanka dalka ayaa dowlada ku heesta heshiis rasmi ah oo ku aadan ganacsiga labada dhinac hadii UK ay ka baxdo yurub mana jirto heshiis muuqda oo dowlada soo bandhigeyso.

Ganacsiga yurub ayaa ah mid isku furan mana jirto canshuur leeska qaado wadamada yurub dhexdooda marka ay timaado ganacsiga hase yeeshee dowlada ingariiska ayaa wajaheysa dhibaato dhaqaalo hadii ay ka baxdo yurub tusaale ahaan ganacsiga labada dhinac waxaa soo dhexgalaya canshuur dheeraad ah iyadoo xaduuda UK iyo EU oo ku taalla Wadanka Ireland la dhigayo xadka labada dhinac iyadoo halkaasi laga sameenayo bar koontarool oo lagu baaro cunooyinka iyo qalabka kale ee labada dhinac iskaga kala gooshaya.

Dowlada ingariiska ayaa soo bandhigeysa jimcaha, 29 March 2019. jadwalka ku aadan sida ay uga baxayaan midowga yurub hase yeeshee uma muuqato mid lagu guuleysan karo.

UK maka bixi kartaa Yurub iyadoo heshiis la galin.

Barlamaanka Dalka ayaa kasoo horjeeda in heshiis la.an dowlada ka baxdo yurub sababta ayaana ah in ganacsiga labada dhinac uu ku dhacayo dhibaato adag iyo dhaqaalo xumo soo wajaho dowlada UK oo Ganacsiga badankooda ay uga yimaadaan wadamada yurub badankooda sida dalka Sweden iyo dalal kale.

Muwaadiniinta Labada dhinac.

mid kamid ah dhibaatada ugu weyn ee taagan ayay ka mid tahay arimaha muwaadiniinta labada dhinac ee si bilaasha ah hada iska kala goosha labada dhinac hadii dowlada UK ay ka baxdo midowga yurub waxaa imaaneysa in muwaadiniinta labada dhinac ay ka baxeen wadamada ay ku noolyihiin si qasab ah.

warbaahinta gudaha ingariiska ayaa qoraya in muwaadiniinta UK ay dalbadaan basaboorka madama laga baqayo in uusan soo bixin maalmaha soo socda saameyn kaga imaaneysa kabixitaankooda midowga yurub dalka ingariiska ayaana lamid noqondoono wadamada Canada iyo Mareykanka oo kale iyadoo qofka heesta basaboorka weyn uusan toos u tagi karin mustaqbalka hadii ay ka baxaan midowga Yurub.

Raisal wasaaraha Dalka ingariiska oo khudbad jeedisay ayaa sheegtay in midowga yurub aanan waligood laga bixidoonin hadii lagu guuldareesto heshiiska sidoo kale qaxootiga ku nool dalkaasi oo somalida ku jirto ayuu sameyn ku yeelanayaan qorshaha dowlada UK ay kaga baxeyso Yurub oo hada aan heysan taageero badan.

Maxaa dhici kara Hadii heeshiiska uu fashilmo kala soco somaliska.com 5 arimood oo dhici kara

Waxaa qoray oo turjumay Caydaruus Axmed Sahal

Somaliska London

Xigasho/BBC qeybta Englishka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here