Home News in English Booliska Dalka Mareykanka oo soo bandhigay Magaca wiil Somali ah oo lagu...

Booliska Dalka Mareykanka oo soo bandhigay Magaca wiil Somali ah oo lagu dilay Minnesota

0

Booliska magaalladda Rojester ee Gobalka Minnesota ee dalkaasi waxay sheegeen in maydkii Ninka Soomaaliga ee dhawaan laga helay waddo ku taalla magaalladaasi,kaasi  oo lagu magacaabi jirey Garaad Xasan Rooble, oo 28-jir ah.

Saraakiisha waxay sheegeen in maydka ninkaasi Talaadadii la soo dhaafay laga helay K/bari ee magaalladda Rojestar, iyadoo ay ku yaalleen dhaawacyo rasaaseed.

Saraakiishu waxay kaloo xaqiijiyeen inuu socdo baaritaanka, iyadoo dilkaasina loo arko mid ay Dembiilayaal geysteen, inkastoo aan weli dad loo soo xirin.

Dhinaca kale, Booliska Maraykanka waxay ku raad-joogaan ciddii dishay Haweeney Soomaali oo  iyadana lagu dilay Gobalka Kaliforniya.

Tuhunka ugu weyn ayey sheegeen Booliska inay ka qabaan Saygeeda oo baxsad ah, isla markaana ay Boliska ku raad-joogaan.

Somaliska USA

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here