Home News in English Magacyada Dhalinyaro Somali ah oo lagu dilay Caasimada London ee Dalka ingariiska.

Magacyada Dhalinyaro Somali ah oo lagu dilay Caasimada London ee Dalka ingariiska.

0

Ayuub oo ah wiil 16 sano jir ah oo ka soo jeeda Soomaaliya ayay kooxo ku hubaysan midiyo ku dileen Magaalada London.

Wiilkaan ayay horay dhawr mar dhaawaceen kooxaha Gangs ka ah, iyadoo la sheegay in kooxaha hubaysani ay fariimo u soo direen ka hor inta aanay dilin iyagoo ku wargalinaya in isaga ama hooyadiis ay mid dilayaan hadii aanu u imaanin.

“Wiilka ayaa ka codsaday hooyadiis inay Ticket u jarto si uu kooxahaas uga baxsado, hooyadu way aqbashay balse kooxihii hubaysnaa ayaa u sheegay inay joogaan guriga hortiisa, waxaana uu go’aansaday inuu raaco saacado kadib ayaana loo sheegay hooyadiis Siraad in wiilkeeda tooreey lagu dilay” ayuu yiri mid ka mid ah ehelada wiilkan shalay la dilay.

Sidoo kale Booliska London ayaa xaqiijiyey inuu dhaawac Toorey u geeriyooday wiil kale kadib markii maalintii Axadii kooxo Gangs ahi ay sidaan oo kale ku weeraraeen degmada Fulham ee Koonfurta galbeed ee Magaalada london, Lamana oga sababta rasmiga ah ee dilka ka danbeysa.

Dhalinyarada Soomaalida ee ku lug yeesha arrimaha daroogada iyo gangsternimada ayaa mudooyinkan dilal loogu geysanayey qaar ka mid ah dalalka ay Soomaalidu u haajirtay ee Yurub ee Maraykanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here