Home Wararka Maanta Löfven ”Waxaan dooneynaa in la maxkamadeeyo kuwa geestay Dambiyada dagaal ee ku...

Löfven ”Waxaan dooneynaa in la maxkamadeeyo kuwa geestay Dambiyada dagaal ee ku jira Kooxda IS”

0

kahor kulanka ay yeelanayaan midowga yurub ee ku saabsan kooxda Argagixisada ee IS ayuu Raisal wasaaraha Sweden stefan Löfven waxa uu cadeeyay sida sweden u dooneyso in la maxkamadeeyo dadka geestay dambiyada dagaal isla markana aan la cafin.

Stefan ayaa si aad ah waxa uu u doonaya in maxkamad caalami ah la saaro dadka looga shakiyay kufsi, dil iyo qoorgoyn, sida uu qoray joornalka Aftonpladet.

Maxkamada ayaa la sameeyay kadib xasuuqii Ruwanda waxana Sweden dooneysaa in maxkamadaasi oo kale hada la sameeyo si loogu xukmiyo dadkii dhibaatada ka geestay dalka suuriya oo ay heesteen kooxda IS.

dowlada sweden ayaana dooneyso in qorshahaasi ay taageeraan wadamada ku jira midowga yurub iyadoo rajeyneysa in lagu raaco baaqooda.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Aftonpladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here