Home Wararka Maanta Khilaaf u dhaxeeyay garabyada ka shaqeeya Dekadaha oo heshiis laga gaaray.

Khilaaf u dhaxeeyay garabyada ka shaqeeya Dekadaha oo heshiis laga gaaray.

0

Khilaafkii muddada soo jiitamayey ee u dhexeeyey garabyada shaqaalaha ee dekedaha ayaa la soo gabagabeeyey, iyadoona heshiis hoosta laga wada saxiixey.

Christer Thörnqvist, ahna caalin ku takhasusay arrimmaha shaqada iyo shaqaalaha oo ka howlgala xarunta waxbarashada sare ee Skövde ayaa ku macneeyay heshiiskani inuu yahay mid taariikhi ah, iyadoona saacadihii ugu dambeeyey laga baaqsadey in lagu tallaabsado shaqo ka fariisi saameeyn ku yeelan lahaa dekedo labaatameeyo gaareya ee dalka ku yaala, mar uu u warramay Helena Nordenberg oo ka howlgasha Ekot.

– Waa heshiis taariikhi ah heshiiska wada jirka loo gaarey, sida uu sheegay Christer Thörnqvist, mar uu ka hadlay heshiiska.

Ururka shaqaalaha ee dekedaha ayaa lala saxiixdey heshiis gacan labaad ah oo u dhigma midkii horey loola lahaa ururka shaqaalaha ee gaadiidka alaabada kala waarida, midkaasina oo ururku u halgamayey muddo kontameeyo sannadood gaarsiisan illaa iyo toddobaatameeydaii.

– Ugu dambeeyn waxaannu wada gaarney heshiis meel dhexe la isugu wada yimid, oo midda noogu muhiimsan ee ahayd in xarummaha shaqaaluhu xaq u leeyihiin wada xaajood ay meesha ka baxday. Xaqiiqdii waa halka uu ku soo gabagaboobey oo aannu goolkii ku gaarney. Waxaannu wada saxiixanney heshiis urur shaqaale iyo in nabadda la ilaaliyo, kursiga wada hadalkana boos ayaannu ku leenahey sida caadiyan ururrada shaqaaluhuba ugu leeyihiin. Waa mid lagu farxo, sida uu sheegay Erik Helgeson oo ka tirsan hoggaanka ururka shaqaalaha dekedaha, mar uu wareeysi la yeeshay, Erik Ridderstolpe oo ka howlgala laanta wararka Ekot.

Khilaafkan ayaa socday muddo dheer illaa iyo toddobaatameeydii oo uu aasaasmey ururka shaqaalaha dekedaha РHamnarbetarf̦rbundet oo ka farcamey ururka gaadiidka alaabada kala waarida Transportarbetaref̦rbundet, oo xubin ka ah daladda ururrada shaqaalaha ee LO.

Ururka shaqaalaha dekedaha ayaa dibadda ka taagnaa dhammaan ururrada waaweyn ee saldhigga ururrada shaqaalaha ee LO, TCO iyo Saco

Somaliska Stockhom

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here