Home Wararka Maanta Norway Nin Toorey lagu dhaawacay oo isbitaalka magaalada Hamar la dhigay.

Norway Nin Toorey lagu dhaawacay oo isbitaalka magaalada Hamar la dhigay.

0
Ninkan da’da sodomeeyada ah oo la dhigay isbitaal kadib markii bartamaha magaalada lagu tooreeyey.

Ninkan oo aan la sheegin inta uu dhaawaciisu la egyahay ayaa isbitaalka lala gaaray, waxayna booliisku sheegeen inay gacanta ku hayaan kiiska.

– Dhibanaha waxaa loo diray isbitaalka isagoo dhaawacyo qaba. Gacanta ayaana ku haynaa xaaladda ayaa lagu yiri hadal kasoo baxay booliiska deegaanka markii ay saacaddu 15.10 galabnimo isniintaan.

Wuxuu sheegay booliisku in dhibnaha iyo qofka lagu tuhunsan yahay inuu dhaawaca u gaystay ay labaduba yihiin rag da’doodu tahay sodomeeyada deganna magaalada Hamar. Booliisku waxay xireen goobta dambigu ka dhacay si ay ugu gogol xaaraan kooxaha farsamayaanada ah ee baara dambiyada. waxay sidoo kale booliisku sheegeen inay nin dhalinyaro ah u xireen kiiska.

waayadanba waxaa jiray falal tooreeyeyn ah oo ka dhacayey dalkan, iyadoo ay ugu badnayd magaalada Oslo oo mudooyinkan wax layska waydiinayey sidii wax looga qaban lahaa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here