Home Wararka Maanta Bulshada Xaafada Rinkeby oo dhibaato ka heesato Jaranjarada Tareenka loo isticmaalo.

Bulshada Xaafada Rinkeby oo dhibaato ka heesato Jaranjarada Tareenka loo isticmaalo.

0

Bulshada ku dhaqan xaafadda Rinkeby iyo nawaaxigeeda ayaa dhibaato baaxad leh ku qaba jaranjarada socota ee xarunta tareenka ee xafaddaa, iyadoona maalmahan ugu dambeeyey iyo muddo iminka bil ku dhowaad ah aaney shaqeenayn jaranjarooyinka dusha looga soo baxo maxaddada, ahna mid aad u dheer.

Burhan Yusuf Indhadeero oo aanu kula kulanay xarunta Rinkeby ayaa sheegay in dadku dhibaato ku qabaan jaranjarada aan shaqeyneyn.

Jaranjarooyinka oo ka kooban saddex ayay middii ugu horeysay fariisatay bishii janaayo halka tan labaadna shaqeyn weyday dhamaadki bishii febraayo, iyadoona warbixin ku qoran isteeshinka oo dadka lagu wargelineyo uu sheegayo in jaranjarooyinka dib loo howlgelin doon 22 bisha maarso.

Aleksander Krajisnik oo ka howlgala laanta saxaafadda ee shirkadda tareemmada ee magaceeda loo soo gaabiyo SL ayaa sheegay iney og yihiin dhibaatada ay leedahay jaranjarada aan shaqeyneyn isla markaana ay hagaajinta jaranjarada saareen ahmiyad weyn, mar uu wareeysi siiyay telefishanka Svt. Isagoona intaa raaciyay in SL go’aan ku gaartay in waxa ka maqan jaranjarada looga soo qaado jaranjarada ka shaqeysa xaafadda Husby oo ey isku nooc yihiin. SL ayaa rajeyneysa iney middaasi shaqeyso si jaranjaradu, sida ugu dhakhsiyaha badan ugu howlgasho.

Ilyaas ayaa ka mida dadka isticmaala jaranjarada isagoona idaacada afka soomaaliga u sheegay inaan loo dulqaadan karin mudada dheer oo ay qaadato hagaajinta jaranjarada.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here