Home Wararka Maanta Bangiga Nordea oo lagu eedeeyay dhaqista lacag suuq madow ah.

Bangiga Nordea oo lagu eedeeyay dhaqista lacag suuq madow ah.

0

Barnaamijka wararka Mot ee laga baahiyo dalka Finland ayaa sheegay in bangiga Nordea uu qayb ka yahay dhaqistii lacagta suuqa madow ee horey loogu eedeeyey bangiyada Danske iyo Swedbank, sida caawa barnaamij lagu sii deeyn doono.

Akhbaartaa dabadeed ayuu aad hoos ugu dhacay saamigii suuqa ganacsiga waraaqagha ee bangiga.

Warbixinta inuu bangiga Nordea qayb ka ahaa dhaqistii lacagta madow ayaa ku noqday suuqa ganacsiga ee saamiga shirkadaha sidii miino dusha lagaga soo tuurey, kaasina oo hoos u dhacay 5%.

Iyadoona uu ku fillaaday oo keliya wa ryar oo lagu daabacay bogga barnaamijka wararka ee MOT.

Barnaamij ka baxa idaacadda Svt laantiisa Uppdrag Granskning ayaa horay u baahisay in bangiga Swedbank loo isticmaaley dhaqista lacagta suuqa madow muddo tobaneeyo sannadood gaarsiisan. Kolkaasina uu xitaa hoos u dhac ballaaran ku dhacay saamiga bangiga Swedbank, middaasina ugu wacan tahay cabsida laga qabo in in haydaha dalka Mareeykanku ku soo rogaan ganaax weyn oo bilyanno gaarsiisan.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here