Home Wararka Maanta Xafiiska Shaqada ee Arbetsförmedlingen oo xiraya kala bar xafiisyada shaqada ee Gobolada...

Xafiiska Shaqada ee Arbetsförmedlingen oo xiraya kala bar xafiisyada shaqada ee Gobolada dalka Sweden.

0

Xafiiska shaqada ee Arbetsförmedlingen ayaa shaaciyay in albaabada loo xidhi doono 130 xafiis ka mid ah 242 ay ku leeyahiin dalkan sannadkan gudahiis. Sida ay ku soo dhigeen qoraal saxaafadeed maanta.

Hasayeeshe aaney weli caddeeyn xafiisyada ay yihiin. Warbixinta ay maanta dhibeen ayey ku qorantahay in ay yihiin kuwa tuulooyinka yaryar ku yaala.

Qoraalka saxaafadeed ayey sido kale ku qorantahay in xafiisyada magaalooyinka waaweeyn xooga la saari doono mustaqbalka.

Tan ayaa keeni doonta in kuwa shaqo l´aanto hayso ee magaalooyinka yar ku nool ku khasabanaan doonaan in ay u dhoofaan magaalooyinka waaweyn.

Mikael Sjöberg agaasimaha guud ee xafiiska shaqada ayaa sidan ka sheegay isbedeledan.

-Waxaan rajeeynayaa in aan dadkan ka caawino aaladaha digitalka ah, in aanu halkaas ka muuqano, ayuu yidhi.

Intii u dhaxeeysay 2015 ilaa 2017 ayaa dalkan lagu xidhay 78 xafiis. Ilaa sannadka 2020 ayaa la rajeeynayaa in la xidho 130 xafiis oo dheeraad ah. Waa sida lagu soo dhigay qoraalka saxaafadeed.

Somaliska Götenborg

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here