Home Wararka Maanta Stockholm Maxkamad xukuntay dhaqtar iibin jiray daroogo isagoo isticmaalaya SMS.

Stockholm Maxkamad xukuntay dhaqtar iibin jiray daroogo isagoo isticmaalaya SMS.

0

Maxkamad ku taalla Caasimada stockholm ayaa xukun ku riday Dhaqtar iibiyay daroogo ay ku jiraan maadada (narcotic) isagoo u maraya dad bukaan ah oo ka codsaday arinkaasi waxana uu uga iibiyay qaab SMS ah.

maxkamada ayaa dhaqtarka ku xukuntay mudo sadax sano oo xabsi ah iyo bixinta lacag gaareysa 600,000 kronor taasi oo ka timid faa’idada waxybaahan uu iibiyay.

maxkamada ayaa xukunka u martay in uu ninkaasi si qalad ah u isticmaalay xafiiskiisa iyo macaamiisha uu kula dhaqaaqay dambi weyn.

dhaqtarka la xukumay ayaa heli jiray fariimo kaga imaanaya macaamiishiisa kuwaasi oo ka codsanjiray dawooyin gooni ah iyagoo lacagta ku bixin jiray lacag dirista Swish.

Somaliska Stockholm

Xigasho/alkompis

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here