Home Wararka Maanta Shacabka Norway oo bilaabay xirashada iyo iibsashada dharka aanan karin tooreyda.

Shacabka Norway oo bilaabay xirashada iyo iibsashada dharka aanan karin tooreyda.

0
Dhawr shirkadood oo iibiya dharka aanay mididu karin oo sheegay in iibsiga dharkaasi uu kor u kacay waqtiyadan.

Maamulaha hawl maalmeedka dukaanka SpyShop ee magaalada Oslo Frode Olafsen ayaa u sheegay P4 in dharka nuucaan ah uu iibsigiisu kordhay qiyaastii 300 boqolkiiba bilihii ugu dambeeyey, waxaana sidaasi oo kale lagu arkayaa dukaamada internetka wax ku iibiya.

Wuxuu aaminsan yahay maamulahani in kororkani uu xiriir la leeyahay falalka carqaladeed ee midiyaha loo adeegsado oo muddooyinkan ku soo batay dalkan qaasatan magaalada Oslo. Isku gayn tirada illaa iyo hadda tooreey wax lagu yeelay ayaa gaaraysa 40 dhacdo.

– Kororkani wuxuu gaar ahaan aad ugu badan yahay dadka shacabka caadiga ah oo adeeramaya inaysan amaan ahayn. Way noo yimaadaan iyagoo gadanaya tusaale ahaan gacmo gashiga aanay tooreeyda ama mididu karin, jaakadaha aanay mididu karin iyo nuucyada kale ee dharka ee aanay mididu karin ayuu yiri Olafsen.

Somaliska Oslo

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here