Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo go’aamisay in la xiro nin jaajuusay Dad Qaxooti ahaan...

Dowlada Sweden oo go’aamisay in la xiro nin jaajuusay Dad Qaxooti ahaan iskaga dhiibay Dalka.

0

45 jir lagu tuhmayo in uu Sweden ka geeystay basasnimo qaxooti ayaa ayaa saaka la go’aamiyey in la xidho. Xeer ilaaliyaha kiiska ayaa tuhun sare uga dhigay cinwaanka kiiskan.

Ninkan ayaa arbacadii lagu qabtay magaalada Stockhholm, hase yeeshee saaka la go´aamiyay in xabsiga lagu sii hayo.

Hans-Jörgen Hanström oo ah xeer ilaaliyaha kiiskan ayaa sidan sheegay.

-Ninkani waxaa uu jaajuusay dad qaxootinimo Sweden ku yimid. Hadii aan la xidhin waxaan ka baqaynaa in uu baabi’iyo caddeeymaha lagu hayo, ayuu yidhi.

Dembigan ayaa la geeystay intii u dhaxeeysay 10 abriil ilaa 30 september ee sannadkii hore. Ciidamada sirdoonka Säpo ayaa diiday in ay warbixin dheeraad ah ka dhiibaan kiiska ninkan, tusaale ahaan dalka uu ka soo jeedo.

Hasayeeshe sida la ogsoon yahay uu ninkani ku noolaa waqooyiga Sweden, iyo inuu horay u galay dembi la xiriira mukhaadaraad.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here