Home Wararka Maanta Norway Weerar kale oo loo adeegsaday toorey oo ka dhacay Xaafada Mortensrud...

Norway Weerar kale oo loo adeegsaday toorey oo ka dhacay Xaafada Mortensrud ee Caasimada Oslo.

0

Fal kale oo tooreeyeyn ah ayaa ka dhacay xaafadda Mortensrud oo ka tirsan magaalada Oslo, waxaana side uu booliisku sheegay arbacadii ayuu falka dhacay saacaddu marka ay ahayd 15.45 galabnimo.

– dhibanuhu wuxuu qabay dhaawacyo tooreey ah, wuuna dhiig baxayey;

Saacado kadib markii falkaasi dhacay ayey booliisku soo xireen wiil 17 sano jir ah oo ku eedaysan inu ka ka dambeeyey falkaas, waxayna booliisku ku qabteen Oslo S.

– wax badan ayaa muujinaya inay isgaranayaan uuna jiray nuuc xirir ah oo horey uga dhexeeyey ayuu yiri Solberg.

Boolean ayaa diiwaangeliyey 21 dhacdo oo tooreey ku dhufasho ah intii u dhaxaysay 1-dii janaayo illaa 25-kii febrayo magaalada caasimadda ah ee Oslo, halka sannadkii ka horeeyey ah dhaceen 11 fal oo tooreeyeyn ah sida laga soo xigtay telefishinka NRK.

Somaliska Oslo

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here