Home Wararka Maanta Faafaahin nin wata Lacag tiro badan oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Arland...

Faafaahin nin wata Lacag tiro badan oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Arland ee Stockholm.

0

Isniintii ina dhaaftay ayaa nin lagu qabtay garoonka dayuurradaha Arlanda isaga oo isku dayay inuu malaayiin koron dalka ka saaro.

Ninkan ayaa lagu tuhunsan yahay fal dembiyeedka sidii lagu dhaqi lahaa lacag suuq madow ah, iyadoona uu maanta xeer ilaaliyuhu go’aan ka gaari doono in xabsiga lagu sii hayo ama xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo.

Xeer ilaaliye Ashraf Ahmed oo ka howlgala maxkamadda sare ee maamulka ayaa sheegay inuu falkani ahayn midkii ugu horreeyey, horeyna la isugu dayay marar badan bilihii ugu dambeeyey.

– Bangiga Swedbank ayaa bilihii ugu dambeeyey ku tallaabsaday inuu xiro koontooyin ey bangiga ku lahaayeen shirkado xawaaladeed. Middaasina oo sababtay in mulkiileyaashii shirkadahan bilaabeen iney lacagta inta baco ku gurtaan ula baqoolaan dalka dibaddiisa, sida uu sheegay xeer ilaaliye Ashraf Ahmed, mar uu u warramay Maja Lagercrantz oo ka howlgasha laanta wararka Ekot.

Soomaali badan oo dalkan ku dhaqan ayaa lacag u dira qaraabadood, iyaga oo isticmaaleya nidaamka lacag xawilaadda ee Xawaala loo yaqaanno, maadaama aanu Soomaaliya ka jirin nidaam caadiyeeysan ee bangi.

Nidaamka xawaaladda ee dalka Sweden laga isticmaalo ayaa ah mid sharciyeeysan, isla markaana ka diiwaan gashan oo ogolaansho ka heeysta hayadda kormeerka dhaqaalaha ee dalka, hase yeeshee horey loogu eedeeyey qaar ka mid ah shirkadaha xawaaladdu iney ku tallaabsadeen wax is daba maris iyo maal gelin ururrada xagjirrada.

Wixii ka dambeeyey dhowaantan oo koontooyinka xawaaladaha qaarkood uu bangiga Swedbank albaabbada isugu dhuftey ayuu ciidanka ammaanku gacanta ku dhigey dhowr qof oo isku dayey iney lacag malaayiin caddaan ah ey dalka ka saaraan, middaasina oo la sii marinayo Dubay.

Sida ay boliisku caddeeyeen in dalka horey looga saarey lacag aad u fara badan, oo caddaan ahaan loo saarey, sida uu sheegay xeer ilaaliye Ashraf Ahmed.

– Waxaannu ka hadleeynaa 50 illaa iyo 100 malyan oo koron oo Sweden looga saarey hab noocaasi ah, sida uu sheegay Ashraf Ahmed.

Sidee ciidanka ammaanku ku ogaadey lacagta. Ma horey ayuu ugu daba joogey, mise baaristii garoonka dayuurradaha ayun baa lagu ogaadey?

– Waxaa un lagu ogaadey baaristii caadiga ahayd ee garoonka. Oo haddii lacag sidaa u fara badan la sito waa in la sharraxo halka ay ka timid lacagtaasi, halka loo wadey. Haddii wax soo noqnoqda ay ahaydna waxaa iman kara tuhun dembi, sida uu sheegay Ashraf Ahmed oo wareeysi ay la yeelatay laanta wararka Ekot.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here