Home Wararka Denmark Denmark oo Hooyo Somaliyed Maxkamad u soo taagtay eedeyn ku saabsan Jirdil...

Denmark oo Hooyo Somaliyed Maxkamad u soo taagtay eedeyn ku saabsan Jirdil ay Caruurteda u geysatay.

0

Hooyo Somaliyed oo ku nool Dalka denmark isla markana heesata 6 caruur ah ayaa lasoo taagay Maxkamad iyadoo lagu heesto in ay jirdil u geesatay lixdaasi caruurta ah.

Xeer ilaaliyaha kiiskan ayaa hooyada Somaliyed ku eedeeyay in ay Caruurta ku garaacday qalabka jikada iyo Xaaqinka sidoo kale waxay soo qaateen Wareysi caruurta laga qaaday mar hore oo ku aadan dhibaatada ay la kulmeen sida dil loogu hanjabay.

Kiiska hooyada ayaa ka furmay Maxkamada maalintii isniinta waxaana la filayaa in lasoo gabagabeeyo maanta oo jimca ah kadib markii mudo 5 maalin ah loo cayimay.

Dowlada Denmark ayaa xukuno ku riday hooyooyin lagu eedeeyay jirdilka Caruurtooda waxana dhawaan hooyo somaliyed oo lagu eedeeyay jirdilka gabar 11 sano jir ah oo ay dhashay lagu xukumay 1 sano oo xabsi ah.

Lasoco wixii ku soo kordha

Somaliska Copenhegan

Xigasho/Fyens.dk

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here