Home Wararka Denmark Denmark oo sheegtay in Madaxweynaha somaliya ka codsaday dib u celinta Qaxootiga...

Denmark oo sheegtay in Madaxweynaha somaliya ka codsaday dib u celinta Qaxootiga Somaliya.

1

Sida ay qoreen warbaahinta gudaha Denmark Madaxweynaha Somaliya Farmaajo ayaa doonaya in Qaxootiga somalida ee ku nool Denmark in dib loogu celiyo dalkooda sida ay kasoo xigteen Raisal wasaaraha denmark Lars Løkke Rasmussen.

Hadalka Raisal waaaaraha ayaa yimid kadib markii labada Madaxweyne ku kulmeen shirka dhawaan ka dhacay Dalka Masar oo Somaliya qeyb ka aheyd.

Sida uu ku waramayo Jornalka Beelinkgske labada masuul ayaa isla soo hadal qaaday sida loo celin karo qaxootiga aan heysa Sharciga iyo kuwa kale ee  dhalashada Dalka aan heysan si ay kaga qeyb qaataan dhismaha Dalkooda.

Hadalka Dowlada Denmark ayaa ku soo aadaya xili somalida ku nool dalkaasi qaarkood laga ceshtay Sharciga dalka halka kuwa kale la siiyay diidmo.

Somaliska Copenhegan

Xigasho/Berlingske

AD

1 COMMENT

  1. Inkaari idun ku dhacday dheh madax soomalide tuugta ah xaguu umada kusoo wadaa ma meeshaan habeen iyo maalin dadkii ku dhamaadeen tuug lacagbuu kaga gurtaa yurub allaw umada ka qabo tuugtan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here