Home Wararka Maanta Switzerland oo xukuntay Hooyo Somaliyed oo gabadheda ku sameesay gudniin fircooni ah.

Switzerland oo xukuntay Hooyo Somaliyed oo gabadheda ku sameesay gudniin fircooni ah.

0
Federal Supreme Court of Switzerland. Lausanne, Switzerland

Maxkamadda Federalka ee dalkaasi ayaa xaqiijisay Xukun ay Maxkamad Heer Gobal horey ugu riday Haweeney Soomaali ah oo lagu helay inay 2 gabdhood ay dhashay u dhoofisay Somalia si loogu soo sameeyo Gudniinka Fircooniga oo mamnuuc ka ahaa  dalka Switzerland iyo inta badan dalalka aan Muslimka ahayn.

Haweeneydaasi oo aan magaceeda la shaacinin ayaa la sheegay in lagu xukumay Xabsi 8 bilood ah, waana Xukunkii ugu horreeyey ee  Kiiskaasi ee ka dhaca dalka Switzerland.

Xukunkaasi oo dhacay shalay oo Jimco ahayd waxay Maxkamadda Federalka ee dalkaasi ku gacan-sayrtay sheegasho ay Haweeneydaasi ku sheegtay inaysan ka war haynin inuu Gudniinka fal Dembi ah ka yahay dalka Switzerland.

Gabdhaha ay Haweeneydaasi dhashay ee lagu sameeyey Gudniinka FGM ayaa la sheegay in sannadihii 2013-kii iyo 2015-kii loo dhoofiyey dalalka Somalia iyo Somalia, si loogu soo gudo, waa sida ay Dacwad-oogayaasha u gudbiyeen Maxkamadda.

Hooyadda Soomaalida ee xukunka lagu riday ayaa la sheegay inay ku nooshahay Gobalka Nejutel ee dalka Switzerland ee looga hadlo Luqadda Faransiiska

Somaliska Switzerland

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here