Home Wararka Maanta Sweden Xisbiga KD oo soo jeediyay isbadal dheeraad ah oo lagu sameeyo...

Sweden Xisbiga KD oo soo jeediyay isbadal dheeraad ah oo lagu sameeyo Sharciga LSS.

0

Laga bilaabo 1-da bisha luulyo waxaa la fileyaa inuu hirgalo xeerka oranaya in taageerada neefsashada iyo cunnadu sabab u noqon karto in qofku helo gacan yareyaal ka caawiyo.

Hase yeeshee is bedelka ay dawladdu soo bandhigtay inay ku sameeynayn doonto xeerka taageerada iyo adeeggu aanu ku filayn, loona baahan yahay in is bedello ka ballaaran lagu sameeyo, sida uu aaminsan yahay xisbiga Kristdemokraterna.

– Xaaladdu waa degdeg, sida ay sheegtay af hayeenka Pia Steensland.

Laga bilaabo 1-da bisha luulyo wuxuu is bedel ku dhici doonaa xeerka taageerada iyo adeegga dadyoowga mucaawinnada ugu baahan nafaqeeynta iyo neefsashada, sida ay dawladdu saaka ku sheegtay shir saxaafadeed:

– Xeerkan ayaa horseedaya in neef qaadashada iyo nafaqaynta la isku siiyo tuubbada caaga ah ay aasaas u yihiin in qofku helo kalkaaliyeyaal ka caawiya, sida ay sheegtay wasiirka arrimmaha adeegga bulshada Lena Hallengren.

Xil dhibaannada baarlamanka ayaa isku raacsan in labada arrimmood ey aas aas u yihiin in xaq loo yeesho kalkaaliyeyaal ka caawiya neefsashada iyo nafaqeeynta. Xuquuqdaa ayaa horay u istaagtay kadib iyada oo maxkamadi ey go’aan ka soo saartay, isla markaana ay si kale u dhigtay macnaha baahida aasaasiga ah. Hayadda caymiska qaran ayaa go’aanno dib ula noqosho ku siisay xeerkaa iyada oo cuskaneeysa dadyoow horay xaq ugu lahaa kalkaaliyeyaal. Shuruuddii dawladda ee in kharashka hayadda la yareeyo ayaa sidoo kale loo aaneyneyaa inay go’aannada adadag ee hayadda ka dambeeyeen.

Tirada ama kooxda uu is bedelka xeerkani saameeyn doono ayaan ahayn mid sidaa u badan, sida ay sheegtay Lena Hallengren, iyadoona raacisay iney yihiin kontomeeyo dhallaan ah oo ey ku kici doonto miisaaniyad 250 malyan oo koron ah.

Wasiiraddu waxay sidoo aaminsan tahay inuu heshiiskii jannaayo ee dawladda lagu soo dhisay uu suurta geliyay is bedelka xeerkan. Halka ey xisbiyada Moderaterna iyo Kristdemokraterna leeyihiin baarlamanka ayaa dawladda cadaadis ku saaray tallaabadaa.

Pia Steensland, afhayeenka xisbiga Kristdemokraterna ee su’aalaha la xiriira naafada, waxayna sheegtay iney jiraan dhowr meelood oo xeerka loo baahan yahay in is bedello lagu sameeyo ee la xiriira dadka iimaha leh.

– Xaaladdu waa degdeg. Waxaa noo muuqata in baaritaan hor leh oo la saaro uu muddo qaadan doono, sida ay sheegtay oo u warrantay Birgitta Johansson, oo ka howlgasha Ekot.

– Waa in la buuxiyo shuruuddii diyaarinta. Hase yeeshee waxaa noo muuqata iney jiraan baaritaanno horey loo sameeyey, warbixinno hayado dawli ahi soo saareen oo aasaas u noqon kara sidii degdeg loogu tallaabsan lahaa wax ka bedelka xeerka, sida ay sheegtay af hayeenka xisbiga Kristdemokraterna Pia Steensland.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosviege

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here