Home News in English Raisal wasaarada Dalka Norway oo qaadashada lacagta ceyrta ee Ajaanibta ku xirtay...

Raisal wasaarada Dalka Norway oo qaadashada lacagta ceyrta ee Ajaanibta ku xirtay barashada luuqada Dalka.

0

Dowlada Dalka Norway ayaa adkeneysa qaabka Qaxootiga ku helaan lacagta ceyrta iyadoo soo kordhineysa Sharuudo adag oo ay kamid tahay barashada luuqada qofka doonaya in uu qaato lacagta ceyrta sida ay sheegtay Raisal qasaarada Dalka Norway Erna Solberg.

Erna Solbeeg ayaa warbaahinta gudaha u sheegtay in Qaxootiga badankooda ay lacagta qaataan iyagoo aqoon luuqada Dalka taasi oo keentay in suuqa Shaqada ka maqnaadaan.

Waxay intaasi ku dartay in Sanadka 2020 kahor uu bilaabanayo sharci dhigaya in Qaxootiga bartaan luuqada si Shaqooyinka dalka ula qabsadaan iyadoo raaceysa sharci hore oo lagu soo rogay dadka ka hooseeya 30 sano kaasi oo dhaqan galay isla markana keenay in dad badan ku biiraan suuqa shaqada.

Go’anka xiligan ayaa ah mid diirada lagu saarayo dadka waaweyn ee ceyrta iska qaata isla markana luuqada aanan si feecan u aqoonin.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Nettavsen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here