Home Wararka Maanta Sweden Isbadalka Cusub ee lagu soo kordhiyay Xeerka LSS oo bilaabanaya bisha...

Sweden Isbadalka Cusub ee lagu soo kordhiyay Xeerka LSS oo bilaabanaya bisha Luulyo.

0

Dawladda oo soo jeedisay in wax laga bedelo xeerka, si loo sahlo in cidda baahida ballaaran u qabta ey ku hesho shaqaale gacan yare u noqda, waa nidaamka LSS.

– Cidda u baahan taageero in laga siiyo neefashada iyo kuwa tubbooyinka caagagga lagu quudiyo waa iney helaan. Waxey xaq u yeelaneyaan kalkaaliyeyaal, sida ay shir jaraa’id saaka ku sheegtay wasiiraka arrimmaha adeega bulshada Lena Hallengren.

Xeerkan ayey sidoo kale taageersan yihiin xisbiyada Miljöpartiet, Liberalerna iyo Centerpartiet. Waxaana lagu wadaa inuu hirgalo 1 luulyo ee sannadka 2019.

Bishii ina dhaaftay ayaa baaritaan lagu soo jeediyey in xeerka is bedel lagu sameeyo.
Miisaaniyadda ku baxda kalkaaliyeyaasha dadyoowga aan isku filleeyn ayey dawladdu la wareegi doontaa, iyadoo dhanka kale ey ilmaha iyo dadyoowga la il daran cudurrada maskaxda ey waayi doonaan miisaaniyad gelinta adeegga kalkaaliyeyaasha.

Fikirrada baarista lagu soo bandhigey ayaa dhaleeceeyn lagala hor yimid , gaar ahaan urur dalladeedka dhallaanka iyo dhallinyarada iimaha qaba.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here