Home Wararka Maanta Sweden Cunug yar oo laga xaday Isbitaalka Huddinge oo dib loo helay.

Sweden Cunug yar oo laga xaday Isbitaalka Huddinge oo dib loo helay.

0
Cunuga oo laga dafay isbitaalka Huddinge ee dalka Sweden ayaa loo soo xiray dad dhowr ah.

Cunuga yar oo lagu dhalay isbitaalka goor sii horeysay ayaa la waayey walow ay wararku sheegayaan in mar dambe lagu guulaystay in dib loo soo celiyo, sida uu qoray Aftonbladet.

–Arrinta aadka muhiimka ahi waxaa weeye in cunaga dib loogu soo celiyo hooyadiis oo ku jirta isbitaalka ayuu yiri afhayeen u hadlay booliiska.

Waqti ku beegan lixdii galabnimo ayey booliisku sheegeen in cunuga yar uu jidka ku soo jiro isla markaana loo gaynayo hooyada dhashay.

Sida uu qoray wargeyskan labo qofood ayaa loo xiray kiiska cunuga yar ee lala tagay, isagoo intaas ku daray in qof qaraabo la ah hooyada cunuga la arkay isagoo ka sii baxaya isbitaalka, xiligaasoo uu qofku qaatay Taxi.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here