Home Wararka Maanta Migrationsverketka tirada qaxootiga cusub ee la filayo sanadkan oo isbadal ku dhacay.

Migrationsverketka tirada qaxootiga cusub ee la filayo sanadkan oo isbadal ku dhacay.

0

Hay’ada laanta socdaalka sweden ayaa soo saartay tirada qaxootiga la filayo sanadkan 2019 taasi oo muujineysa in hoos uga sii dhacday tirada horay loo filayay kadib heshiiskii ay gaareen siyaasiyiinta dalka oo keenay in la balaariyo sharciga kumeel gaarka ee Qaxootiga.

sadaasha bisha February ee laanta socdaalka sweden ayaa lagu cadeeyay in qaxootiga la filayo sanadkan ay hoos u dhaceyso iyadoo la filayo 21,000 halka sanadka danbe la filayo 22,000.

Sanadkii hore ee 2018 qaxootiga Sweden iska dhiibay ayaa ahaa 21,500 kun lakin dhamaadka bishii Novemver ee 2018 sadasha laanta socdaalka ayaa aheyd 26,000 kun oo la filayay 2019 isbadalka ayaana keenay heshiiska dowlada ay la gashay xisbiyada kale.

doorashadii ka dhacday sweden ayaa la filayay in isbadal uu ku yimaado laanta socdaalka dalka sida joojinta sharciga kumeel gaarka Qaxootiga kaasi oo hada la dheereeyay mudada uu soconayo.

Heshiiska dowlada ee xisbiyada ayaa ugu muhiimsanaa mideynta qoysaska kala maqan sida qofka hela magangalyo in qoyskiisa loo keeni karo.

Somaliska Stockholm

Xigasho/migrationsverket

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here