Home Wararka Maanta Mareykanka Nin Hubeysan oo dad badan ku laayay galbeedka magaalada Chicago.

Mareykanka Nin Hubeysan oo dad badan ku laayay galbeedka magaalada Chicago.

0

Nin ka carooday shaqo laga eryay ayaa toogasho ku dilay shan qof isagoo dhaawacay dhowr askari oo soo gaaray goobta uu weerarku ka dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan oo hubeysnaa la dilay kaddib markii ay rasaas isdhaafsadeen booliiska. Shanta qof ee uu dilay ayaana haatan la shaaciyay magacyadooda.

Israsaaseynta ayaa ka dhacay shirkad ku taalla xaafada Aurora oo 40-mayl u jirta galbeedka magaalada Chicago.

Booliiska ayaa ku sheegay ninka dilka geystay Gary Martin oo da’diisu ay ahayd 45, waxuuna 15 sanno ka shaqeynayay shirkadda Henry Pratt.

Madaxa booliiska xaafada Aurora Kristen Ziman ayaa sheegay in ninka laga shakiyay uu isa soo hubeeyay kaddibna uu kasoo qeybgalay shir shaqada looga saarayey isaga, wuxuuna rasaas ku furay madaxdii shirkada oo qaarkood uu halkaas ku laayey.

Somaliska USA

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here