Home Wararka Maanta Ilhaan Omar oo ugu Jawaabtay Madaxweyne Donald Trump in uu Xilka iska...

Ilhaan Omar oo ugu Jawaabtay Madaxweyne Donald Trump in uu Xilka iska Casilo.

0

Gabadha asalkeedu Soomaaliga yahay ee Ilhan Cumar kana tirsan Aqalka Congress-ka dalka Mareykanka ayaa wajaheysa cambaareyn kaga imaaneysa Siyaasiyiin iyo sidoo kale Warbaahinta Yahuuda taageerta.

Madaxweynaha dalka Mareykana Donald Trump ayaa Ilhan Cumar ugu baaqay in ay iska casisho Aqalka Congress-ka Mareykanka, waxa uuna ku eedeeyay in ay ku kacday ficil Yahuud naceyb ah.

Ilhan Cumar ayaa dhankeeda si adag uga jawaabtay hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka, waxa ayna sheegtay Ilhan hadiiba qof isku casilayo naceyb in uu yahay qofkaasi Madaxweyne Trump.

Waxa ay sheegtay Ilhan Cumar in Madaxweynaha Mareykanka noloshiisa ay ka sameesan tahay naceyb, waxa ayna meesha ka saartay codsiga Trump ee ah in ay iska casisho xubinada Congress-ka .

Ilhan Cumar ayaa qoraal ay dhawaan ku qortay barta ay Twitterka ku leedahay kala kulantay cambaareyn xoogan  kadib markii lagu eedeeyay in ay neceb tahay Yahuuda oo awood badan ku leh dalka Mraeykanka.

Somaliska USA

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here