Home Wararka Maanta Dooda Barlamaanka Sweden oo lagu soo qaatay Xaalada Dalka Somaliya.

Dooda Barlamaanka Sweden oo lagu soo qaatay Xaalada Dalka Somaliya.

0

Wasiirka arrimmaha dibedda Sweden Margot Wallström (S) ayaa saaka xarunta baarlamanka Sweden ku soo bandhigtay dhabbada siyaasad- dibedeedka dawladda Sweden, waxa lagu magacaabo bayaanka siyaasadda arrimmaha dibadda, kuwaasoo ay kusoo qaadday arrimaha badan oo caalami ah ay ka mid tahay xaaladda dalka Somaliya iyo taageerada uu dalkani u fidiyo.

Wasiiradda ayaa farta ku fiiqday xariijinta lama dhaafaanka ah ee ay raacdo siyaasadda amaanka Sweden iyadoo sheegtay inay horseed ka yihiin xulufada nabadda adduunka, balse ay sidoo kale xiriir wada shaqayneed la leeyihiin gobolka Nordich-ga ama Scandinavia, Midowga Yurub, QM, NATO iyo xiriirka laba geesoodka ah ee Maraykanka.

Waxay diiradda saartay arrimo ay ku tilmaantay kuwo dunida si wadareed u walaacinaya oo aan cid gaar ah ku koobnayn.

-Isbeddelka cimilada, hubka halista ah ee nukliyeerka iyo argagixisadu ma aqoonsana xuduudaha dalalka, waxay u baahan yihiin in lagu qaabilo mas’uuliyad wadareed ku aaddan danaha amaan ee naga dhexeeya, ayay tiri .

Xukuumadda Sweden waxay carrabka ku adkaysay cambaaraynta wax ay ku tilmaantay dulmiga Ruushku ka wado bariga Ukraine oo ay sheegtay inuu si sharci darro ah uga goostay gobolka Crimea, balse waxay albaab u furtay in wadahadal lagu kala boxo.

-Isla markaa, sida Midowga Yurub waxaannu xiriir wada leedanahey Ruushka iyo dadka Ruushanka ah, waxaan u baahan nahay in aannu ka wada shaqeeyno meelaha aanu ka leennahay dano naga wada dhexeeya, sida ay sheegtay.

Dooddii ka dambeeysay soo bandhiggidda siyaasadda arrimmaha dibedda ayaa wasiiradda lagu adkeeyey arrimmo ey ka mid yihiin xiriirka ka dhexeeya Sweden iyo Israa’iil. Xildhibaan ka tirsan xisbiga Kristdemokraternas oo la yiraahdo Lars Adaktusson ayaa dawladda ku dhaleeceeyay xiriirka xumaaday ee sannadahan dambe ka dhexeeya waddammada Israa’iil iyo Sweden, balse wasiiraddu si taxaddar leh ayay arrintaa khudbadeeda ugu taabatay.

-Sweden, si la mid ah dalalka kale ee Midowga Yurub, waxay Quddus u aragtaa caasimadda mustaqbalka ee laba waddan, ayay raacisay.

Yeelkeede, waxaa sidoo kale siyaasaddeeda ku wajahan Israel iyo Falastiin khilaafsan xildhibaannada xisbiga Liberalerna oo iyagu qaba in safaaradda Sweden gorgortan la’aan loo raro magaalada Qudus oo ay doonayaan in loo aqoonsado caasimadda Israel, sida uu ku doodayo Fredrik Malm, afhayeenka siyaasadda arrimmaha dibadda ee xisbiga Liberalerna oo u warramay Anders Jelmin, oo ka howlgala Ekot.

– Waxaan qabnaa inay Sweden si buuxda u aqbasho una aqoonsato inay Qudus tahay caasimadda Israel, ayuu yiri.

Wallström, ayaa hoosta ka xarriiqday sida ay uga go’an tahay wada shaqaynta, taageerada siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee ay Sweden siinayso guud ahaan Afrika, gaar ahaan dalka Somalia iyo gobolka kulaala Badda Cas oo ay xaalado kacsani ku hareeraysan yihiin.

-Waxaannu adkeeneynaa wada shaqeeynta waddammada Afrika iyo ururka Midowga Afrika (AU).

Khilaafkii dheeraa ee ka dhex taagnaa waddammada Itoobiya iyo Eriteriya waxaa lagu bedeley nabad taariikhi ah. Dawladda Sweden waxay guddoonsatey inay labalaabto taageeradii dhaqaale oo ay u fidin jirtay Soomaaliya, halkaasoo ay xaaladdu si sahlan u khalkhali karto, ayay tiri Wallström.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here