Home Wararka Maanta Sweden Shaqo la’anta Ajaanibta oo hoos u dhacday.

Sweden Shaqo la’anta Ajaanibta oo hoos u dhacday.

0

Dad badan oo aan Swedish ahayn ama asal ahaan ku dhashay dal aan Sweden ahayn ayay haatan si intii hore ka badan ugu sahlan tahay inay soo galaan suuqa shaqada Sweden.

Waxaa hoos u dhacday heerka shaqa la’aaneed ee dadkan oo kasoo dhacday 21%, haatanna noqotay 19% muddo sanad gudihii ah, sida uu warbixin ku qaadaa dhigayo weriye Simon Andrén, Ekot.

Heerka shaqa la’aanta guud ayaa imink hoos u gaadhay 7%, iyadoo ay haatan baagamuundo yihiin 350,000 kuwaasoo 200,000 oo ka tirsani ay ajnabi yihiin, isla markaana ey badidood ka soo jeedaan waddammo Yurub ka baxsan. Iyadoo iminka ey 11 000 oo dadyoowgaa ka mid ahi ku soo biireen suuqa shaqada.

Annika Sundén waa madaxa falanqaynta u qaabilsan Xafiiska Shaqada Sweden ee Arbetsförmedlingen.

– Waa suuq shaqo oo xooggan; Waxaan u jeednaa dalabka xooggan ee dhanka suuqa shaqada, kaasoo u faa’iideeyay dadka Swedish asalka ah iyo kuwa shisheeyaha ah intaba, ayay tiri Annika Sundén.

Marka la eego dadka asal ahaan dibedda kasoo jeeda ee sanadkii tegey shaqooyinka helay, 60% waxay heleen shaqooyinka aan kabka uga baahnayn Xafiiska Shaqada (Subventionerade anställningar). Halka kuwa kale ay heleen shaqooyin kab u baahan, sida shaqooyinka dheeraadka ah, shaqooyinka suuq gelinta ah ee loo yaqaan introduktionsjobb iyo shaqooyinka la siiyo dadka suuqa shaqada ku cusub, si uu qofku u helo xirfadda, xogta iyo khibradda lagaga baahan yahay goobta shaqada.

Dhanka kale, marka la eego tirakoobkii uu bishii tagtay ee Jannaayo sameeyay Xafiiska Shaqada Sweden, waxaa si wayn hoos ugu dhacday shaqo la’aanta dadka dhaladka Swedish-ka ah oo iminka sii mareeysa 3.8%, sida ay mar kale sharraxayso Annika Sundén.

– Waxaa aad u hooseeya diiwaanka dadka dhaladka ah ee Swedish-ka, weliba marka aad eegto dadka haysta ugu yaraan shahaado dugsi sare da’dii howl qabadkana gaarey wax kayd shaqo ihi umeey harin. Waayo qof kasta oo shaqo doonayay wuu haystaa, yeelkeede, isla kooxdan dhaladka ah waxaa ku jira kuwo ay weli ku adag tahay inay soo galaan suuqa shaqada, waana kuwa aan lahayn aqoonta dugsiga sare, ayay tiri.

Tirakoobkan cusub ayaa muujinaya, inay sidoo kale aad hoos ugu dhacday shaqa la’aanta dadka da’yarta ah. Waxaa Iyana hoos u dhac uu ku yimi tirada dadkii ay u diiwaan gashanayd inay shaqa la’aayeen ugu yaraan 12 bilood iyo wixii ka badan. Haatan bishii tagtay ee Jannaayo dadkaasi waxay ahaayeen 144,000 oo qof, waxaana ka go’day tiro gaaraysa 11,000, marka la eego tiradii la gudboonayd bishii Jannaayo ee sanadkii tegey ee 2018-kii.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here