Home Wararka Maanta Sweden Degmada Gävle oo lagu gubay Gawaari badan.

Sweden Degmada Gävle oo lagu gubay Gawaari badan.

0

Degmada Gävle ee Dalka sweden waxaa lagu gubay 12 gawaari oo la dhigtay dhoor meel oo kala duwan Waxana Falkaasi warbaahinta u sheegay Booliska Magaalada oo qof u qabtay.

Falka oo dhacay Habeenka Isniinta ayaa loo qabtay Qof uu Booliska uga shakiyay Gawaarida la gubay hase yeeshee ninkaasi ayaa la siidaayay waxyar kadib maalintaasi.

Magaalada ayaana ku soo biireysa Magaalooyinka Sweden ee lagu gubo Gawaarida madama horay aysan uga dhicin in intaasi oo gaari ah lagu gubo.

Degmooyinka dalka sweden ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca Falal lagu gubo gawaarida la dhigto Goobaha loogu talagalay Gawaaridaasi mana jirto Cid loo qabto Falkaasi.

Sanadkii hore ayay aheyd markii Magaalada Gotenborg lagu gubay dhoor gaari.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here