Home Wararka Maanta Mareykanka Donald Trump oo Ilhaan Omar ugu baaqay in ay iska Casisho...

Mareykanka Donald Trump oo Ilhaan Omar ugu baaqay in ay iska Casisho Xilkeeda Kongres-ka.

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku biiray weerarka afka ah ee lagu hayo gabadha Soomaaliyeed ee ka tirsan Congareska Mareykanka Ilhaan Cumar oo lagu heysto inay barteeda twitter-ka ku baahisay qoraal muujinaya Yuhuud Naceyb.

Trump ayaa ka hadlay arrinta Senator Ilhan Omar, wuxuuna yiri: “Waxaan filayaa inay la gudboon tahay inay xilka iska casisho congareska ama ay iska casisho xubinnimada Guddiga Arrimaha dibadda..”

Wuxuu intaas ku daray mar uu saxafiyiin la hadlay inay nafteeda ceeb u soo jiiday.

Hadalka ka soo yeeray Ilhaan Omar ayaa si weyn oo cambaareeyay, iyadoo xubno ka tirsan labada xisbi ee Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga ay cambaareeyeen waxaana ay bixisay raaligelin markii dambe, iyadoo sheegtay iney gef u geysan dadka Yuhuuda ah balse ay dhaliishay oo kaliya.

Wargeyska Washington Post ayaa si faahfaahsan uga hadlay waxa lagu heysto Ilhaan Cumar oo uu sheegay inay horey u sameeyeen siyaasiyiin uu ka mid yahay Madaxweyne Trump, balse aan loo daba gelin sida maanta loogu dhegan yahay Ilhan Cumar, wuxuuna xusay wargeysku in cadaadiska la saaray Ilhaan Cumar uu ka dhigan yahay cusnurinimo iyo caburin siyaasadeed oo iyada lagula kacay taasoo khilaafsan sharciga xoriyada hadalka ee Maraykanka.

Somaliska Washinton

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here