Home Wararka Maanta Sweden Wiil dhalinyaro ah oo ku dhintay Qarax ka dhacay Koonfurta Caasimada...

Sweden Wiil dhalinyaro ah oo ku dhintay Qarax ka dhacay Koonfurta Caasimada Stockholm.

1

Wararka laga helayo koonfurta Caasimada Stockholm ayaa sheegaya in Halkaasi uu ka dhacay qarax kaasi oo Wiil dhalinyaro ah uu ku dhintay waxana Qaraxa uu ka dhacay guri ku yaalla Xaafada Vårberg halkaasi oo dadka deegaanka ka Qaxeen marka uu Qaraxa dhacay kadib.

Ehelada Qofka dhintay ayaa Booliska ku wargaliyay Qaraxa ka dhacay Halkaasi iyadoo Booliska ay xireen guud ahaan Nawaaxiga uu Qaraxa ka dhacay dadka Deegaanka ayaana loo ogolaaday in 4 saac kadib ku soo laabtaan Guryahooda ay ka Qaxeen madama uu dhacay Qaraxa 15:03 galabnimo.

Booliska gaar ahaan kuwa Qaabilsan Bambooyinka ayaa gaaray goobta iyagoo baaritaan ku bilaabay Waxyaabaha qarxay iyo waxa uu yahay lakin wali booliska kama hadlin natiijada kasoo baxday baaritaanka.

Booliska ayaa wakaalada Wararka TT u xaqiijiyay in Wiil dhalinyaro ah uu ku dhintay Qaraxa lakin faafaahin dheeraad kama bixin nuuca Qaraxa madama uu socdo baaritaan.

Wixii ku soo kordha lasoco

Somaliska Stockholm

Xigasho/aftonpladet

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here