Home Wararka Maanta Xafiiska Shaqada ee Arbetsförmedlingen oo looga baahan doono 100,000 kun oo Shaqaalo...

Xafiiska Shaqada ee Arbetsförmedlingen oo looga baahan doono 100,000 kun oo Shaqaalo ah.

0

Suuqa shaqada Sweden ayaa sannadka 2024 laga waayi doonaa 100 000 oo qof oo leh xirfado loo baahnaan doono, haddii aan nidaamka wax laga bedelin, sida ku cad warbixin laga soo xigtay xafiiska shaqada.

Xirfadaha howlwadeennada ey baahidu ka dhaln doonto ayey ka mid yihiin howlaha daryeelka caafimaad. Halkaasina oo baahidooda lagu qiyaasay muddo shan sannadood gudahood 34 000 oo qof, sida ku cad warbixinta.

Sidoo kale waxaa 23 000 looga baahan doonaa goobaha waxbarashada, halka la waayi doono shaqaale 9 000 gaarsiisan ee ku howlgala xirfadda IT-ga iyo kombiyuutarrada.

Tiro intaa le’eg ayaa sidoo kale looga baahan doonaa howlaha adeegga bulshada sannadka 2024 oo haddii aan laga tabaabusheeysan sidii loo dhisi lahaa xirfadahaa ey keeneeyso hoos u dhac ku yimaada tayada, gaar ahaan dhinacyada adeegga bulshada, sida ay sheegtay Annelie Almérus, oo ah saadaaliye ka howlgasha hayadda xafiiska shaqada.

Iyadoo hadalkeedii sii wadatana sheegtay iney shaqa bixiyeyaashu iminka isku deyeyaan sidii ey wax uga bedeli lahaayeen iyo in howlaha kalkaaliyeyaasha caafimaad qaarkood ey la wareegaan kalkaaliyeyaasha, kalkaaliyeyaasha caafimaad – undersköterska waxa afkan iswiidhishka lagu yiraahdo, waxay Anneli Almérus, sidoo kale carabka ku adkeeysay in loo baahan yahay sidii xirfadahaa looga dhigi lahaa qaar la xiiseeyo si loo dhimo baahida mustaqbalka ka dhalan doonta.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here