Home Wararka Maanta Xildhibaan ka tirsan Norway oo Hub laga helay Gurigiisa iyo Qof uu...

Xildhibaan ka tirsan Norway oo Hub laga helay Gurigiisa iyo Qof uu u hanjabay.

0

Xildhibaanka Frp Mazyar Keshvari ayaa laga mamnuucay inuu booqdo qofkii uu u hanjabay.

Warka arrintan ku saabsan waxaa la wadaagay warbaahinta qaasatan wargeysyada VG iyo Dagbladet kormeere Hilde Bøch Høyer oo ka tirsan booliiska degmada Øst.

–Waxaa lagu soo rogay inuusan booqan karin dhibanaha. Si naba ulama xiriiri karo qofka loo hanjabay ayey tiri Høyer oo la hadlaysay Dagbladet.

Iyadoo weli la sii hadlaysay VG ayey xaqiijisay Høyer in nuuca hanjabaada loo haysto Kesvari ay tahay mid culus oo hub laysugu goodiyey, iyadoo intaas raacisay in guriga Keshvari ay hub ka heleen.

Mar la waydiiyey nuuca hubka ee hanjabaadda lagu gaystay ayey tiri sidan.

– Waxaa la samayn doonaa baaris ku aadan hubkan, inuu dhammaantiis sharciyeysnaa iyo in qaarkiis sharci lahaa.

Sida laga soo xigtay garyaqaan Bjørn Stordrange ma uusan qiran Keshvari inuu wax dambi ah gaystay.

Keshvari ayey booliisku xireen fasaxii todobaadka ee la soo dhaafay iyadoo loo haysto inuu hanjabaad u gaystay qof balse mar dambe ayaa la sii daayey waxaana socota baarista kiiska.

Somaliska Oslo

Xigasho/nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here