Home News in English Hadii aad Wadato Gaari Xiliga Barafka Fadlan Ha Hilmaamin Qalabkan Muhiimka kuu...

Hadii aad Wadato Gaari Xiliga Barafka Fadlan Ha Hilmaamin Qalabkan Muhiimka kuu Ah.

0

Guud ahaan Dalalka Caalamka gaar ahaan kuwa dhaca Yurub iyo America waxaa si xoogan kaga da’a Baraf Xoogan kaasi oo keena Saameyn gaar ahaan qofka wata Gaariga ayaa xiligaasi u baahan dhoor arimood oo muhiim u ah si dhibaatada uu iskaga ilaaliyo Warbaahinta Somaliska.com ayaa soo koobeysa Qalabka ugu muhiimsan ee Qofka looga baahanyahay marka uu wado Gaariga in uu qaato ama uu isticmaalyo xiliga Qabowga ee ( Vinterka/winterka).

1 Lugaha Xiliga Barafka (Vinterdäck)

Lugaha Vinterdäck ayaa ah lugo ay ku jiraan Silig iyo biro kaa caawinaya in uusan gaariga si fudud ku silban ama kuula weecan marba dhinac.

2 Caalamada Sadax Dhinaca ah (En varningstriangel)

Caalaamadan ayaa kaa caawineysa in aad dhigto goob ka fog gaariga marka uu ku soo gaaro dhib ama gaariga ay cilad kaga timaado iyadoo si fudud gawaarida kale kuu arki karaan.

3 Qalabka Gaariga ama Muyaarada looga Qaado ( Barafka Isskrapa och snöborste )

Qalabkan ayaa si fudud waxa uu kaga caawinayaa in aad gaariga ka dul qaado barafka gaar ahaan dhanka muyaarada gaariga oo barafka saarmo ama uu ku dhago.

4 Dharka diiran ama nuuca bustaha(Filtar och varma kläder )

Dharkan ayaa muhiim kuu ah marka aad wado gaariga ama dadka rakaabka oo dharkaasi xirta.

5 Fiilada lagu talaalo Batariga (Startkablar)

kani waa qalabka ugu muhiimsan xiliga Qaboobaha waayo gawaarida ayaa badankooda dabka uu ka dhacaa marka uu yaalo meel qabow ah hadii aad heysato qalabkan waxa uu kaa saacidayaa in qofka kugu dhow uu kuu kiciyo gaariga.

6 Biyaha dhaqa gaariga miyaaradisa  ( Spolarvätska )

biyahan ayaa ah kuwa lagu shubo gaariga waxana la hubiyaa in ay buuxaan waayo waa biyo aad muhiim ugu ah xiligan.

7 Mobileka iyo Chagerkisa (Mobil och laddare)

markasta oo aad wado gaariga gaar ahaan xiliga barafka waxaa aad u muhiim u ah mobileka iyo chargerkisa waayo waxaa kugu xirmi kara wadooyinka taasi oo keeni karta in dabka uu kaa dhaco isla markana la waayo xiriirkaaga.

Badeelka Barafka ( Snöskyffe )

Bareefka lagu xaaro barafka ayaa sidoo kale muhiim kuu ah waayo mararka qaar waxaa dhacda in aad ku soo aado goob uu barafka xiray taasi oo si fudud ku furan karto.

Xariga Gaariga lagu jiido ( Bogserlina )

Xariga gaariga lagu jiido waa mid kamid ah kuwa ugu muhiimsan xiliga qabowga sababtoo ah hadii gaariga uu kaa istaago ama cilad ku timaado waxaa ku caawin kara gaari kale.

Waxaa jira 14 Qalab hase yeeshee Somaliska.com ayaa idin soo koobtay kuwa ugu muhiimsan isla markana aad ka heleyso caawinaad gooni ah.

Caydaruus Axmed Sahal

Somaliska Stockholm

Xigasho/Metro

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here