Home Wararka Maanta Dood ka taagan Mamnuucida isticmaalka Taleefanada ee Xiliga Fasalada lagu jiro.

Dood ka taagan Mamnuucida isticmaalka Taleefanada ee Xiliga Fasalada lagu jiro.

0

Dawladda ayaa soo jeedisay in fasallada laga mamnuuco mobaaylada xilliga casharrada lagu jiro.

Qorshahan ayaa qayb ka ah heshiiskii ey bishii jannaayo wada gaareen xisbiyada afarta ee S, MP, C iyo L ee dawladda lagu sooo dhisay. Dhanka kale ayey soo shaac baxeyaan su’aallo la xiriira habkii lagu hir gelin lahaa howshan.

– Waa mid aannu ka wada fariisan doonno afartayada xisbi ee heshiiska wada gaarey, sidii loo hirgelin lahaa, sida ay sheegtay wasiirka tacliinta Sweden Anna Ekström.

Iminkadan ayey maamullada iskuulladu go’aan ka gaari karaan in mobaaylada laga mamnuuco xilliga casharrada ama saacadaha iskuullada lagu jiro. Hase yeeshee ey xisbiyada dawladda xulufada ku ah iyo labada xisbi ee Liberalerna iyo Centern dooneyaan in dhammaan mobaaylada laga mamnuuco xilliyada casharrada lagu jiro waana mid looga gol leeyahay sidii lagu adkeeyn lahaa awoodda macallinka, fasallada looga yareeyn lahaa buuqa, isla markaana loo dhimi lahaa waxyeelada la isugu geeysto.

Tallaabadan ayaan ahayn mid la isku wada raacsan yahay iyo in mobaaylada laga mamnuuco iskuullada.
Torbjörn Ott waa caalin ku takhasusay culuunta IT-ga, isagoona cilmi baaris ka sameeyay isticmaalka dhallaanka mobaaylada ee saacadaha iskuullada.

Wuxuu sheegay inuu isticmaalka mobaaylku rabshadeeyn karo xasiloonida waxbarashada. Halka dhanka kale maadaama iskuullada laga qiimeeyo aaladaha casriga ee dijitaalka ee wax lagu barto, sida kombiyuutarrada iyo kuwa loo yaqaanno läsplattor ee wax lagu akhristo uu shaki ka muujiyay inuu mamnuuca mobaaylku wax ka qaban karo caqabaddaa.

– Marka haddii la rabo in fasallada laga xayiro qayb ka mid aaladaha lagu shaqeeyo oo saldhig u ah caalamka maanta, waxaa daboolka la saareyaa sidii loo hor u marin lahaa hab wanaagsan ee iskuullada loogu isticmaali karo mobaayllada, sida uu sheegay Torbjörn Ott, oo wareeysi siiyay Kajsa Nilsson oo ka howlgasha laanta wararka ee ekot.

Somaliska Gotenborg

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here