Home News in English Sweden oo kordhineysa Da’da Qofka Hoolgabka ee Shaqada ka fadhiista.

Sweden oo kordhineysa Da’da Qofka Hoolgabka ee Shaqada ka fadhiista.

0

Dowlada Sweden ayaa kordhineysa Da’da qofka hoolgabka sida ay isku raaceen siyaasiyiin ku jira Barlamaanka kuwaasi oo sharciga u badalay sababo ay u arkaan in dadka sweden ay noolaan karaan mudo dheer.

Siyaasiyiinta ku jira Barlamaanka ayaa isku raacay badalka sharcigan waxana Qofka hoolgabka da’diisa lagu kordhiyay hal sano tusaale qofka hoolgabka ayaa horay u ahaa 61 sano jir lakin sharciga cusub kadib waxa uu shaqada ka fadhiisandoonaa marka uu gaaro 62 sano jir.

Sidoo kale waxaa la badlay mudada qofka uu shaqeen karo hadii uu markaasi doonayo iyadoo laga dhigay 68 sano halka uu horay u ahaa 67 sano hadii qofka uu doorto in uu shaqada sii wato lakin sharciyan ayaa shaqada xoog looga saaraa marka uu gaaro da’da loogu tala galay.

Mats Persson oo ka tirsan Xisbiga Liberalerna ayaa sheegay in dad badan ay doonayaan in la kordhiyo mudada la shaqeen karo marka la gaaro da’da hoolgalbka kadib.

Sanadaha soo socda ayaa la filayaa in saro loo sii qaado mudada qofka uu ku noqonayo hoolgabka.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here