Home Wararka Maanta Booliska Sweden oo Digniin kasoo saaray Wicitanka Taleefano Been ah oo lacagta...

Booliska Sweden oo Digniin kasoo saaray Wicitanka Taleefano Been ah oo lacagta Bankigaga lagu dhacayo.

0

Booliska Dalka Sweden ayaa digniin kasoo saaray Taleefano Been ah (falska telefonsamtal) kuwaasi oo marka ay ku soo wacan kadib ku sheegaya in ay ka socdaan Bankigaga hase yeeshee waxay jabsanayaan lacagta kuugu jirta bangiga taasi oo najiijadeeda noqoneysa in lagu dhaco hadii aad aqbasho in aad furto Bank ID.

kuwa dhawaad 4,000 kun oo kiis ayaa la diiwaan galiyay sanadkii hore kuwaasi oo laga soo wacay taleefano been ah iyadoo leeskaga dhigay Bankiga kadibna lagala baxay lacagta ugu jirtay markaasi.

Xaqiiqoonka sida aad uga fogaan karta Arinkan

Marna ha isticmaalin Faafaahinta ku qoran Kaarkaaga dushiisa ama Bank ID hadii qof uu ku soo waco waayo faafaahinta ku qoran kaarkaga iyo sidoo kale code waa furaha lacagtada.

Hadal heynta ugu badan ee Somalida ayaa aheyd in taleefano leeska soo waco ay lacagta bankigaga kaala baxayaan hadii aad qabato markaasi hase yeeshee taasi ayaa ah mid been ah lakin muhiimada ayaa ah in qofkaasi uu ku waydiinayo in aad aqbasho Bank Id taasi oo keeni karta in si sahlan uu lacagta kaala baxo.

Somaliska Stockholm

Xigasho/police

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here