Home Wararka Maanta Norway Tirada Qaxootiga ugu yareyd oo timid Mudo 20 sano kadib Sanadii...

Norway Tirada Qaxootiga ugu yareyd oo timid Mudo 20 sano kadib Sanadii hore.

0

Norway in ka badan 30,000 oo magangelya doone ayaa yimid 2015, saddex sano kadibna tirada timid waxay ka yartahay toban meelood.

Sida uu Tv2 ka soo xigtay xubno ka tirsan dowladda Norway tirada magangelyo doonayaasha iska soo dhiibay dalkan sannadkii dhammaaday ee 2018 ayaa gaaraya 3.054 magangelyo doone. Tiradaasoo ka dhigan tii ugu yarayd tan iyo sannadkii 1997.

Marka isbarbar dhig lagu sameeyo tirada qaxootiga ee dalkan yimid, sannadkii ugu badnaa wuxuu ahaa 2015 oo ay yimaadeen 31.150 xubnood oo qaxooti ah, halka sannadkii dhamaaday 2018 ay yimaadeen 3.054 oo qof, taasoo isla markaana ka ka dhigan 14 boqolkiiba hoos u dhac sannadkii kasii horeeyey.

– Tani waa tiro aad u fiican, waxayna cadaynaysaa in siyaasadda dowladda ee xadidida soogalootigu ay shaqaysay ayuu yiri wasiirka cadaaladda iyo arrimaha soogalootiga Tor Mikkel Wara oo la hadlayey TV 2.

Wuxuu sheegay wasiirku in dowladdu ku dhawaatay inay joojiso soo galootiga.

Warbixintu waxay xustay in tirada degannaanshaha loo ogolaaday ay sidoo kale hoos u dhacday 67 Boqolkiiba sannadkii 2018. Waxaana isku gayn dadka Norway degannaanshaha ka helay sannadkii 2018 ay gaarayaan 1.453 oo qof.

Dadka isku qoyska ee isku dacwooda ayaa sidoo kale yaraaday boqolkiiba 74 marka laga soo bilaabo sannadkii 2017. sannadkii hadda la soo dhaafay 2018 dad gaaraya 1.713 ayaa la midoobay qoysaskooda sida uu ku waramay TV 2.

Somaliska Stockholm

Xigasho/nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here