Home Wararka Maanta Mooshin uu Xisbiga Sverigedemokraterna ka keenay Aadaanka Masaajidka oo la diiday.

Mooshin uu Xisbiga Sverigedemokraterna ka keenay Aadaanka Masaajidka oo la diiday.

0

Dood ballaaran oo ka dhacday kulankii hoggaanka xildhibaannada ee maamulka Karlstad ayaa lagu go’aamiyey in aan masjidka laga joojin xaqa uu u leeyahay aadaanka jimcada, middaasina oo ey xubnihii xisbiga Sverigedemokraterna mooshin ku keeneen.

Masjidka muslimiinta ee Kungsmarken ayaa halkiisii ka sii wadan doona adaankii salaadda jimcada sidii horeyba loogu go’aamiyey, isagoona iminka ogolaansho ka haysta ciidanka ammaanka iyo maamulka degmadaba.

Dooddan ayaa ka dambeeysay iyada oo ey xildhibaannadii xisbiga Sverigedemokraterna keeneen mooshin looga mamnuuceyo goobaha bulshadu ku kulanto summad walba oo diini ah. Tallaabadaasina lagu macneeyey in xorriyadda diinta ay sidoo kale ka mid tahay in aan la maqal dhambaal diini ah, sida aadaanka.

– Ma ahan in cidna la qasbo, sida uu sheegay Robert Andersson oo ka tirsan xisbiga Sverigedemokraterna (SD).

Somaliska Stockholm

Xigasho/Sverigeradio

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here