Home Wararka Maanta SMHI Digniin laga soo saaray Baraf Xoogan oo Saamenaya Guud Ahaan Dalka...

SMHI Digniin laga soo saaray Baraf Xoogan oo Saamenaya Guud Ahaan Dalka Sweden.

0

Baraf aad u xooggan ayaa saameeyey Sweden oo dhan. Meelaha qaar waxa la filayaa baraf gaaraya 2 disimitir sida ay hey’adda saadaalinta hawada ee SMHI ka digtey.

Jon Jörpeland oo ka howl-gala SMHI ayaa sheegay in guud ahaan dhib badani ka iman doono isticmaalka waddooyinka.

Barafka ayaa Sweden uga soo beegan dhanka koonfur iyadoo ay dabeysha iyo barafku sii kordhi doonaan maanta markey soo gaaraan galbeedka Svealand.

Hey’adda SMHI ayaa gobalada Stockholm, Uppsala iyo Gävleborg ka bixisay digniinta darajada koowaad.
Barafka iyo dabeysha ugu badan ayaa laga filayaa dhulka xeebta, ayuu yiri Jon Jörpeland oo ka howl-gala SMHI.

– Barafka iyo dabeysha ugu badan ayaa laga filayaa dhulka xeebta, sida uu sheegay Jon Jörpeland oo ka howl-gala SMHI.

Barafka jimcaha ayaa waxa daba socda mid kale kaas oo sida ugu daran u saameyn doona Svealand iyo södra Norrland.

Gaadiidka ayaa looga digayaa barafka iyo dabeysha.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here