Home News in English Sweden Qaxootiga Cusub oo Lacagta laga jarayo Hadii ay diidaan Deegaanka la...

Sweden Qaxootiga Cusub oo Lacagta laga jarayo Hadii ay diidaan Deegaanka la Dajiyo.

0

Dalka Sweden ayaa kamid ah Dalalka ugu wanaagsan Qaarada Yurub marka la fiiriyo Dhanka Qaxootiga hase yeeshee waxaa hada la badalay sharciyada qaar kadib heshiis ay gaareen Xisbiyada Dalka ka jira qaar iyadoo Sharciga Cusub ee balaabanaya Sanadka Danbe uu dhigayo in Qaxootiga ku cusub Dalka laga jaro lacagta la siinayo hadii uu diido deegaanka la dajiyo madama maanta Dadka badankooda ay dalbadaan magaalada ay rabaan oo markaasi ka agdhow qaraabadooda.

Sanadka Cusub bartamihiisa ayuu sharciga bilaabanayaa waxana Dowlada ay Qofka dajineysaa goobta markaasi ay u hesho hadii qofkaasi uu dalbado goob cayiman waxaa laga jarayaa lacagta uu qaadan lahaa oo dowlada ugu talagashay iyadoo inta uu socdo kiiskiisa uu dabarayo naftiisa.

Maanta Qoyska heesta labada Caruur ayaa hela lacag dhan 6,000 kun oo kronor bil kasta.

Morgan Johansson oo ka tirsan Wasiirada Dowlada ayaa yiri ” ma dooneyno in Qaxootiga isku aruursadaan goob qaas ah taasi oo keenta dhibaato sidaasi ayaana sharciga cusub u soo saarnay ”

Xisbiyada kala ah Centerpartiet iyo Liberalerna oo heshiis la gaaray dowlada ayaa soo saaray Sharcigan cusub waxana uu qeyb ka ahaa Heshiiska Dowlada ay la galeen.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here