Home Wararka Maanta Qabowga ka jira Waqooyiga Mareykanka oo dad badan u dhinteen.

Qabowga ka jira Waqooyiga Mareykanka oo dad badan u dhinteen.

0

Gobalada Waqooyiga ee dalka Maraykanka ayaa maalmahan ku jira qabow xad dhaaf ah oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka dhulkaasi ku nool.

Gobalada sida weyn qabowgan iyo barafka looga dareemay ayaa waxaa kamid ah Minnesota oo ay ku nool yihiin Soomaali badan,
deegaanada qaarkood [ – 41 ] ayuu gaaray heerka qabowga.

Ugu yaraan dad gaaraya 10 qof ayaa la sheegay inay u dhinteen cimiladan isbedashay, waxaana la joojiyey in badan oo kamid ah duulimaadyada kabaxa ama taga gobalada qaarkood, duulimaadyada la joojiyey dalkaasi Maraykanka ayaa la sheegay inay ka badan yihiin 6000, waxaana xiran iskuulada iyo goobaha ganacsiga.

Magaalada Chicago oo kamid ah goobaha uu saameynta weyn ku yeeshay qabowgan ayaa waxaa gebi ahaan la joojiyey isu socodka gaadiidka dadweynaha.

Somaliska USA

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here