Home Wararka Maanta War Hada Ah Qof lagu toogtay Xaafada Jakobsberg oo u geeriyooday toogashadaasi.

War Hada Ah Qof lagu toogtay Xaafada Jakobsberg oo u geeriyooday toogashadaasi.

0

Wararka laga helayo Xaafada Jakobsberg oo ka tirsan Kamuunka Järfälla ayaa sheegaya in halkaasi lagu toogtay qofk kaasi oo u geeriyooday dhaawaca kasoo gaaray weerarka sida ay sheegayaan Booliska Stockholm.

qofka la toogtay ayaa markii hore loola cararay dhanka isbitaalka isagoo dhaawac halis ah qaba hase yeeshee inta aan la geenin isbitaalka ayuu u dhintay dhaawaca soo gaaray waxana maalmo ka hor isla goobtaasi ka dhacday rasaaseyn.

Labo qof ayaa ku waramaya in goobta uu ka cararay gaari madow marka uu falka dhacay kadib iyadoo booliska uu goobta xiray waxana dad badan la waydiiday su’alo la xiriira falkaasi hase yeeshee midkoodna loogama shakin falka dhacay.

Xaafada Jakobsberg ayaa kamid ah xaafadaha sida aadka u dagan marka lala barbardhigo xaafadaha kale ee ajaanibta daganyihiin hase yeeshee maalmihii u danbeeyay waxaa ka dhacay falal amniga kasoo horjeeda.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Aftonpladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here