Home Wararka Maanta Barlamaanka Norway oo diiday in Norway laga badalo nidaamka boqortooyada ku dhisan.

Barlamaanka Norway oo diiday in Norway laga badalo nidaamka boqortooyada ku dhisan.

0

Aqlabiyada baarlamaanka oo ka soo horjeestay in Norway laga raro nidaamka boqortooyada ayna noqoto jamhuuriyad.

Sideed xildhibaan ayaa ku soo kordhay hadda marka loo eego sannadkii 2016 oo xildhibaanadu cod geliyeen isla kiiskaan, waxayna taasi cadaatay talaadadii oo laga dooday soojeedinta ku saabsan in dalkan Norway uu noqdo jamhuuriyad meesha uu hadda ka yahay boqortooyo.

Soojeedintan ah in Norway noqoto jamhuuriyad waxaa taageeray xildhibaanada xisbiga SV oo dhan iyo 14 xildhibaan oo ka kala tirsan Arbeiderpartiet, Rødt iyo MDG. Arrintaas waxay ka dhigtay codaynta 36 xildhibaana oo taageersan in dalku jamhuuriyad noqdo iyo 120 kaasoo horjeeda.

Soo jeedintaan waxaa baarlamaanka horgeeyey xildhibaanada kala ah Kirsti Bergstø (SV), Snorre Valen (SV), Iselin Nybø (V), Sveinung Rotevatn (V), Jette F. Christensen (Ap), Truls Wickholm (Ap) iyo Heidi Nordby Lunde (H).

Soojeedintan ayaa sidoo kale lagu doonayey in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka dalka, waxaana ku jirtay qodob tilmaamaya in dalku yeesho madaxweyne la doorto, kaasoo bedeli lahaa aqalka boqortooyada ee maanta jira.

In isbedel lagu sameeyo dastuurka dalkan wuxuu u baahan yahay cod aqlabiyad ah oo saddex meelood labo meelood xildhibaanada baarlamaanka dalka.

SV ayaa marar badan soo jeediyey qorshahan ku saabsan in dalku ka guuro nidaamka boqortooyada waxayna markii ugu horeysay soo bandhigeen sannadkii 1972.

Somaliska Stockholm

Xigasho/nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here