Home News in English Xafiiska Shaqada ee Arbetsförmedlingen oo Digniin Burin ah u diridoona 3,400 kun...

Xafiiska Shaqada ee Arbetsförmedlingen oo Digniin Burin ah u diridoona 3,400 kun oo qof Maalinta Bari.

1

Xaafiska Shaqada Dalka Sweden ayaa burinaya ama Eryaya kumanaan Qof oo ka tirsan Xafiiska Shaqada ee Arbetsförmedlingen waxana la filayaa in digniinta eryida loo diridoono dadkaasi maalmaha soo socda Waxana Tirada Dadka lagu sheegay ku dhawaad 3,400 kun oo qof oo ka tisan Xafiiska Shaqada kana shaqeeya.

in dadkaasi la eryo ayaa timid kadib markii Miisaaniyada Dalka ay ku guuleesteen Xisbiyada M iyo KD kuwaasi oo doonaya in Xafiiska Shaqada laga soo celiyo ku dhawaad SEK 900 million oo ah lacagta hada ku baxda sida uu Qoray Joornaalka DN.

Maanta oo ay taariikh-da tahay 30 bisha ayaa la filayaa in dadka badankooda ay gaarto fariintaasi ku aadan in laga saaray Xafiiska Shaqada sidoo kale Joornaalka DN ayaa ku waramaya in Dadka qarkood ay digniinta ay gaari karto maalmaha nagu soo wajahan.

Tirada guud ee la gaarsiinayo digniinta ayaa lagu sheegay 4,000 kun iyadoo dowlada ay kaga danleedahay in la yareeyo Miisaaniyada ku baxda Xafiiska Shaqada waxana arintaasi saameyn xoogan ku yeelaneysa Dad badan oo hada ka tirsan xafiiska Shaqada kuwaasi oo shaqeenayay mudo dheer.

lama oga cida Sida aadka uu saameynta ugu yeelanayo ama ay soo gaaridoonto fariinta hase yeeshee waxaa warbaahinta Somaliska u badineysa Dadka waqtiga dheer ka tirsan Xafiiska Shaqada ay kamidyihiin.

Dhamaadkii sanadkii hore ayay aheyd markii Xisbiyada ku jira Garabka Alliansen ay ku guuleesteen Miisaaniyada Wadanka kadib markii ay caawin ka haleen Xisbiga SD xiligaasi waxaa balanqaadkooda kamid ahaa in la yareeyo lacagta ku baxda xafiiska shaqada iyadoo loo isticmaalayo dhinacyo kale oo Dowlada ah.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Aftonpladet

AD

1 COMMENT

  1. Dad badan oo Sommali ah oo sanadihi u danbeeyay shaqo ka helay Xafiiska shaqada aya ku shaqo weyn doona, marka waxan rajeyna dadkaas in fursado cusub ka raadsadaan shirkadaha yar yar ee la oddorasidoona kuwaas oo caawin doona dadka shaqa doonka ah.
    F.G: Haddii aad ka mid tahay shaqaalaha xafiiska shaqada ha sugin inta fariinta ka soo gaarto ee haddaba si bilaw in ay aad boorsada-da kasi xir xirato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here