Home Wararka Maanta Axmed Cabdullaahi oo xalay la gudoonsiiyay biladda abaalmarinta Guldbagge.

Axmed Cabdullaahi oo xalay la gudoonsiiyay biladda abaalmarinta Guldbagge.

0

Fiidnimadii xalay ayaa xafladdii lagu qabtay magaalada Stockholm lagu guddoonsiiyey filim soo saaraha Axmed Cabdullaahi biladda abaalmarinta Guldbagge.

Middaasina oo uu ku hantiyay filimkiisii loogu magac darey Martyren – Mujaahid. Axmed Cabdullaahi ayaa guushaa ku hantiyay qaybta aflaanta gaagaaban.

Axmed Cabdullaahi oo idaacadda u warramay horraantii bishan, mar lagu dhawaaqay inuu filimkiisu qayb ka yahay tartanka faynalka ee qaybta aflaanta gaagaaban ayuu sheegay inay tahay markii ugu horreeysay ee filim soo saare soomaali ah iyo filin ku hadlaya afka soomaaliga uu heerkan soo gaaro, isagoona sheegay inay tahay tallaabo horey loo qaaday.

Abaalmarinta Guldbagge oo sannadkii mar laga bixiyo ayaa lagu qiimeeyaa aflaanta noocyadooda kala duwan ee sannadkii tagay, hadday noqon lahayd qisada filimka, soo saareyaasha, aflaan qaadeyaasha, jileyaasha, muusikada filimka, aflaanta noocyadooda kala duwan, habka dhaashiga, labiska iyo wixii la mid ah.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here