Home Wararka Maanta Degmada Norrköping 85 Sano Jir isku dayay in uu dilo Xaaskiisa oo...

Degmada Norrköping 85 Sano Jir isku dayay in uu dilo Xaaskiisa oo la xiray.

0

Nin 85 jir ah oo ku nool Degmada Norrköping ah ayaa loo xiray inuu isku dayay inuu dilo xaaskiisa,sida uu qoray wargayska Norrköpings-Tidningar. ee kasoo baxa Degmadaasi.

Waxay ahayd habeenkii khamiista, xiligaasi oo booliska lagu wargaliyay digniin ka timid guri dabaq ah oo ku yaalla Norrköping. markaasi oo naagta falkasi loo geesan rabay ay dhawaaqday kadibna ay gashay mid kamid ah guryaha dariska. waxaa gaaray dhaawac loogu geestay mindi waxaana loo qaaday isbitaalka. Xaaladdeeda ayaa lagu sheegay mid halis ah. Ninkaasi 85 sano jirka ayaa loo xiray falkaasi isagoo ku sugan meel u dhow guriga

Amarka qabashada ninka ayaa lagu qabtay go’anka maxkamadda degmada Norrköping Isniintii waxaana loo xiray sababo la xariira, shaki ku aadan dilkasi.

11-kii Febraayo, ayaa xeer-ilaaliyaha laga sugayaa in uu dacwada soo gudbiyo.

Somaliska Stockhom
Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here