Home Wararka Maanta Baaritaan lagu Samenayo Caruurta oo Maalinta Isniinta Cuna Cuntada ugu badan.

Baaritaan lagu Samenayo Caruurta oo Maalinta Isniinta Cuna Cuntada ugu badan.

0

Shaqaalaha dhowr iskuul ee ku yaal galbeedka Sweden ayaa sheegaya in caruurtu ay cuntada ugu badan cunaan isniinta oo ah maalinta laga soo laabto fasaxa wiikendiga.

Arintaa ayaa iminka la baarayaa si loo ogaado wixi ka jira.

Fredrik Kullberg oo cunada ka diyaariyaa iskuulka Kilenskolan oo ku yaal Töreboda ayaa sheegay in caruurtu cuntada si wanaagsan u cunto maalmaha oo dhan iyo in caruurtu isniinta cunto cuntada ugu badan.

– Waxyaabo badan ayaa keeni kara taa sida waxa caruurtu sameysay dhamaadka isbuuca (wiikendigi), haddii ay ku howlanaayeen howlo dhaq dhaqaaq isla markaana aaney helin wakhti ku filan. Ama in dhaq dhaqaaqoodu yaraa taasoo keentay iney yaraato cuntada ay cuneen.

Clara Wallenskog iyo saaxibadeed ayaa shaki ka keeney iney cunaan cuntada ugu badan isniinta. Pontus Johansson ayaa isaguna sheegay inuu cuntada ugu badan cuno marka ay jirto cunto macaan iyo markuu gaajeysan yahay.

Cilmi-baarayaasha ayaa iyaguna qaba fikir kala duwan ee ku aaddan arintan.

Emma Patterson, cilmi-baare ka howl-gasha Karolinska institutet.

– Dad badan baa qaba in caruurtu cunto cunto badan isniinta balse arintaasi ma aha wax caddeyn loo hayo, ayey tiri Emma Patterson iyadoo raacisay in arintaa laga gun gaari doono gugan.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here