Home News in English Migrationsverket Sharciga Qoysaska Leeskugu Keeno iyo Tirada Qoysaska oo la badalayo Xagaaga...

Migrationsverket Sharciga Qoysaska Leeskugu Keeno iyo Tirada Qoysaska oo la badalayo Xagaaga Soo Socda.

1

Waxaa la filayaa in uu isbadal Cusub lagu sameeyo Sharciga Qoysaska Marka la gaaro Xagaaga ama Samarka taasi oo ku aadan Heshiiska ay gaareen Xisbiyada C, L iyo MP ee S Sharcigaasi oo Xaquuq siinaya Qoysaska dib ula midoobaya Familkooda iyadoo sidoo kale saro loogu qaadayo tirada Qoysaska leesku keenayo oo la gaarsiinayo 8,400 Kun mudada sadaxda sano ee soo socota.

Socaildemokraterna ayaa doonayay in Sharciga Qaxootiga la adkeeyo lakin heshiiska C,L iyo MP ayaa fududeenaya sidii qoysaska u heli lahaayeen Xaquuq ay ku midoobaan iyadoo meesha ka bixi karto sharuudaha badan ee hada horyaalla.

Laanta Socdaalka Sweden ee Migrationsverketka ayaa laga soo xigtay in tirada Qoysaska leesku keenayo saro loogu qaadayo 8,400 kun mudada afarta sano ee soo socta marka loo eego sharciga cusub ee cawinaya.

Sharciga Cusub ayaa rajo siinaya Faamilada kala maqan mudada dheer iyadoo isbadalka Cusub la filayo Marka sharciga uu bilowdo waxana arintaasi ka hadlay wasiirka dhanka Laanta Socdaalka Sweden Morgan Johansson oo wareysi siiyay Talafashinka SVT.

Wareysigiisa oo dheer ayuu kaga hadlay Qoysaska.

” Xaquuqda Qoysaska Qaxootiga waxay u wanaagsantahay isdhexgalka Bulshada Sweden ” waxa uu intaasi ku daray”

” Waxaan u maleenayaa in arintan ay u wanaagsan tahay dhanka bini’aadantinimada waayo Boqolkiiba 90 Hooyada iyo Caruurta ee mudada dheer ku noolaa Kaamamka Waxay hada la midoobi karaan Aabahooda ama Ninkeeda oo Sweden ku sugan”

Waxa kaloo tusaalle u soo qaatay sidan.

” Man fÃ¥r se till vilken situation vi är i nu. Jag har varit med om att ta Sverige ur flyktingkrisen 2015 och 2016. Jag skulle aldrig medverka till att vi hamnar i en sÃ¥dan kris igen. Men nu är vi i ett läge där vi har det lägsta asylmottagandet pÃ¥ 13 Ã¥r i Sverige.

” waad u jeedaa sida Xaaladeena hada ay tahay. waxaan kamid ahaa dadkii ku lug lahaa in sweden laga saaro musiibadii 2015 iyo 2016 mana ka qeyb qaadanayo markale musiibo sidaasi ah lakin maanta waxaan taaganahay booskii ugu hoseeyay ee Qaxootiga Mudo 13 sano ah Dalka Sweden”

Xisbiga S ayaa doonayay in la adkeeyo Siyaasada Qaxootiga hase yeeshee Heshiiska dhacay Bilowga Bishan January ayaa keenaya isbadal Cusub iyadoo isbadalka u horeeyo uu bilaabanayo Xagaaga soo socda.

Wixii ku soo kordha Lasoco

Somaliska Stockholm

Xigasho/SVT

 

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here