Home Wararka Maanta Dalka Norway 8 Xabsi oo laga mamnuucay in diyaaradaha dul maraan.

Dalka Norway 8 Xabsi oo laga mamnuucay in diyaaradaha dul maraan.

0

Sideedaan xabsi ee mamnuucitaanku quseeyo ayaa waxay kala yihiin Xabsiga Bergen, kan Halden, jeelka Ringerike, kan Stavanger , xabsiga Telemark qaybta Skien, xabsiga Trondheim, jeelka Romerike qaybtiisa Ullersmo, xabsiga Ila iyo kan Bærum ee dadka lagu sii hayo.

Xabsiyadan ayaa loogu talo galay in maxaabiista lagu siihayo waqtiga rumaanka iyo in lagu hayo dadka xukunada ciqaabta lagu rido qaasatan kuwa qatarta ku ah bulshada. Mamnuucistan ayaa timid kadib markii waaxda asluubta ee KDI ay xiriir la samaysay hay’adda duulista hawada una gudbisay baahidda ku aadan in duulimaadyada laga mamnuuco xabsiyada dushooda.

Waaxdu waxay sheegtay in mamnuucistani ay yarayn karto khatarta ku aadan in diyaaradaha Drone-ka iyo diyaaradaha loo isticmaalo in lagu ogaado dhismayaasha amaanka ama in loo isticmaalo isku gudbinta maandooriyeyaasha iyo hubka.

Mamnuucista diyaaradaha ayaa ku kooban meelo gooni ah iyo camir aan ka yarayn 926 mitir oo dusha sare ah. Mamnuucistan ayaan qusayn diyaaradaha ay isticmaalaan milateriga, booliiska, ambalaaska iyo hay’adaha gurmadka degdega ah.

Somaliska Oslo

Xigasho/Nettavissen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here