Home News in English Akhriso Qaabka Sharciga Cusub uu u Caawinayo Qoysaska leesku keeni karo Sweden.

Akhriso Qaabka Sharciga Cusub uu u Caawinayo Qoysaska leesku keeni karo Sweden.

0

Xagaaga ayuu dhaqan geli doonaa xeerka sida deeqsinimada leh u ogolaanaya in ehelka la isu keeno taasoo ka danbeysay heshiiska ay wada gaareen afarta xisbi ee S, MP, C iyo L.

Xisbiyadan ayaa sidoo kale doonaya iney mustaqbalka hirgeliyaan arinta ah in sharciga Sweden lagu heli karo haddii uu qofku qabo baahi ku saleysan magangeliyo la xiriirti bani’aadinimada taasina ay keeni karto in dad ka badani helaan fursad ay dalka ku joogaan.

Johanna Jönsson, afhayeenka xisbiga Centerpartiet ee siyaasadda socdaalka ayaa sheegtay in xeerkani quseeyo dadka qaba baahida ugu badan.

– Waxey saameyn kartaa qofka u soo qaxa masiibo la xiriirta cimilada darteed iyo qofka qaba cudur halis ah oo keeni kara inuu qofku u dhinto sida kansarka maskaxda. Waxey kaloo noqon kartaa qof da’ ah isla markaana aaney ciddina uga danbeyn dalkiisii isla markaana aad u xanuunsan, ayey tiri Johanna Jönsson.

Xisbiga Socialdemokraterna ayaa bilowgii sanadkan doonayey iney adkeeyaan siyaasadda socdaalka. Morgan Johansson, wasiirka caddaaladda iyo socdaalka ayaa iminka u arka iney jirto sabab keeneysa in la dhaqan geliyo xeer lagu bixinayo deggenaansho iyadoo loo eegayo xuquuqda bani’aadinimo.

– Waxaanu aragnay iney iminka jiraan kiisas xanuun badan ama waxa af iswiidhishka lagu yiraahdo ”ömmande” sharciga hadda shaqeeya ayaan dadkan u ogolaaneyn deggenaansho. Marka ujeedada xeerkani waa in la saxo arimahaa, ayuu sheegay Morgan Johansson, wasiirka socdaalka.

Xaaladdan ayaa inta aan la hir gelin waxaa loo saari doonaa baaris, halka dhanka kale ey xisbiyada afarta ey sidoo kale heshiis ku wada gaareen in laba sannadood oo dheeri ah lagu daro jiritaanka xeerkii ku meelgaarka ahaa ee socdaalka, iyada oo wax laga bedeleyo si ey dadka haysta sharciga loogu magac darey “alternativt skyddsbehövande” oo macnaheedu yahay in la siiyay qofka deggenaansho u dhiganta magangelyo doon ee aan dhab ahayn, in xaq loo siiyo iney la midoobi karaan qooyskooda. Badankood dadyoowga uu isbedelkani quseeyo ayaa ka soo jeeda dalka Suuriya.

Qiimeeyn cusub iyo saameeynta isbedellada oo ka timid wakaaladda socdaalka ee Migrationsverket ayaa sheegeysa in xeerka cusubi keeni doono in sadaxda sano ee socota dad tiradoodu u dhaxeeyso 7 000 – 10 000 ay ku kordhaan dadka ehelka ee Sweden horey ugu sugnaa.

Morgan Johansson oo difaacaya sababta ay iminka xeerkan u hergelinayaan wuxuu sheegay iney u arkaan in fulinta xeerkani aaney iminka keeneyn in wadanku galo xaalad adag.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here